Cudurka Sambabka Lo’da: Contagious Bovine Pleuro-pneumonia (CBPP)

0
Tuesday April 27, 2010 - 16:12:28 in News & Events by Super Admin
  • Visits: 2338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Sambabka Lo’da: Contagious Bovine Pleuro-pneumonia (CBPP)

    Contagious Bovine Pleuro-pneumonia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 206 KB
Contagious Bovine Pleuro-pneumonia

Cudurka Sambabka Lo’da waxaa keena nooc ka mid ah Bakteeriyada kuwa loo yaqaan Mycoplasma.

Wuxuu ka dhacaa meelo badan oo adduunka ah oo ay ka mid yihiin badiba qaaradda Afrika daafaheeda kala duwan oo ay ku jiraan dhulka Soomaalidu degto. Sambabka Lo’du wuxuu ku dhacaa lo’da la dhaqdo iyo duurjoogta la yiraahdo Lo’a Gisida.

Gudbinta iyo Saamaynta Cudurka Habka ugu muhiimsan ee xooluhu isugu gudbiyaan cudurkani waa kan tooska ah ; markii neefka buka neeftiisa ama dheecaamadiisa mid ka mid ahi ay gaadhaan neefka fayow ama caafimaadka qaba cudurkeenihiina u gudbo.

Waxaa jirta oo kale in qaar ka mid ah neefafkii ka bogsoodey cudurkani ay noqodaan kuwo sida ama xambaarsan cudurkeenihii muddo dheer, marka dambena u gudbin karaan jeermigaas xoolo caafimaad qaba. Sida ay arrintani ku dhacdaa ama u suurta gashaana waa sidan:

Markii neefku ka soo bogsoonayo cudurka ayaa  sambabadiisa nabaradii ku yaal ee cudurku keenay waxaa isku wareejiya xuub ama wax sidii qolof oo kale ah taas oo jeermigii cudurka keenayey ku xayirta ama ku xanibta goobtaas.

Waxaa dhacda in muddo ka dib (12 bilood iyo ka badanba) xuubkii ku dahaadhnaa nabarkii dilaaco cudurkeenihiina banaanka u soo baxo isaga oo soo raacaya neefta ama dheecamada ka yimaada qaybaha neefsiga neefka  (duufka, qufaca iwm). Xoolaha noocaas ah oo loo yaqaan cudur sidaha ayaa u sabab ah in cudurkani soo noq-noqdo.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip