CUDURKA FURUQA GEELA: Camel Pox

0
Tuesday April 27, 2010 - 15:12:05 in News & Events by Super Admin
  • Visits: 2784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CUDURKA FURUQA GEELA: Camel Pox

    Cudurka : Keenaha iyo Baahsanaanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 232 KB
Cudurka : Keenaha iyo Baahsanaanta

Cudurka Furuqa Geela waxaa keena nooc ka mid ah Fiiruska kuwa ka

tirsan bahda loo yaqaan Poxviridae.

Furuqa Geelu wuxuu ka dhaca qaaradda Afrika iyo tan Ashiya labada meelaha

geela lagu dhaqo, oo ay ku jiraan dhulka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto.

Furuqa Geelu wuxuu ku dhacaa geela labadiisa nooc ee adduunka jiraba ;

nooca leh labada kurus iyo kan leh kuruska keliya. Wuxuu Furuqa Geelu ku

dhici karaa oo kale dadka.

Gudbinta iyo Saamaynta Cudurka

Furuqa Geelu wuxuu ka mid yahay cudurada sida ugu dhakhsaha ama degdegta

badan u fida ama ugu baaha geela.

Habka ugu muhiimsan ee xooluhu isugu gudbiyaan cudurkani waa kan tooska

ah ; markii neef ama geel buka iyo qaar fayow is dhex galaan oo istaabtaan

cudurkeenihiina isaga gudbo. Waxaa kale oo cudurkeenuhu ugu kala gudbi

karaa si aan toos ahayn markii walax sadeexaad u kala qaado.

Marka neefka jidhkiisa cudurkeenuhu galo iyo inta ay ka muuqanayaan

astaamaha u horeeya ee cudurka oo ah mudada loo yaqaan incubation

period waxay dhan tahay 10 ila 15 maalmood

Furuqu wuxuu ku dhacaa geela da’kasta wuxuuse aad wax u yeela da’yarta

ama aaranka (3 jirka iyo inta ka yar).

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip